Akhriso:-Mashquul ka jira Xafiiska Madaxweynaha soomaaliya & Xal loo raadinyo khilaafka madaxda dalka

2

Waxaa sii xoogeysanaya dadaalada lagu qaboojinayo khilaafka Ba’an ee hareeyay hay’adaha fulinta iyo Sharci dejinta Soomaaliya kaas oo maalmihii ugu dambeeyay gaaray meel sare.

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, Xafiiska Madaxweynaha ee Dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa ka socda dadaalo xoog leh oo lagu dejinayo xiisadda sii xoogeysanaysa ee u dhaxeysay Xildhibaanada iska soo hor jeeda ee Golaha shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si toos u bilaabay xalinta Khilaafka Ba’an ee ka jira Hay’adda ugu muhiimsan Dowladda Soomaaliya ee Sharci dejinta iyo Laanta Fulinta, waxaana dadka aan la hadalnay ay sheegayaan in saacadihii ugu dambeeyay xoogestay kulamada gaar gaarka ah lala yeelanayo Labada dhinac ee Golaha shacabka Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uu baajiyay safar uu ku tagi lahaa Dalka Qatar kadib Casuumaad uu ka helay Boqorka Dalkaasi, waxaa uuna xoojiyay dadaalada is fahamka looga dhax abuuaryo xildhibaanada Golaha Shacabka.

Comments are closed.