Akhriso:-Madaxa Shirkadda DPWorld oo Halista Qaaradda Afrika ku Tilmaamay Caqabadaha ka heysta Somalia & Jabuuti

0

Madaxa Sharikadda DPWorld ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Suldaan Axmed bin Suleymaan ayaa sheegay in caqabadaha ay hadda ka wajaheyso dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya aysan u wanaagsaneyn Qaaradda Afrika beddelkeedana ay halis gelin karto maalgashi lagu sameeyo qaaaradda Afrika.

Waxaa uu sheegay in heshiis la galay dib looga laabto islamarkaana ay dowladda la wareegto iyada oo qaadaneysa hanti dad kale leeyahay   ay taas sumcad xumo ku tahay qaaradda.

 

Waxaa uu sheegay in dowladda Jabuuti uu maxkamad kaga furay Magaalada London isaga oo sheegay in Jabuuti ay si sharci darro ah u burrisay heshiiskii ay wadagaleen ee ay ku maamuleysay Dekadda Dooraale.

 

Dhinaca Soomaaliya waxaa uu sheegay in mamnuucidda Baarlamaanka ee Sharikaddiisa ay isaga la tahay in aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn maaddaama sida uu yiri Soomaaliya aysan ka talin Berbera.