Akhriso:-Culumada Soomaaliyeed Oo War Ka Soo Saartay Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Taagan Dalka

0

Bayaan ka soo baxay Culumada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ay ka welwelsan yihiin Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Golaha Shacabka Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan  xalinta khilaafka,iyaga oo ugu baaqay xildhibaanada in ay ilaaliyaan nidaamkii iyo xeer hoosaadka ay dhigteen.