Akhriso:-Barasaabka Mombasa oo Sheegay in uu Diyaar u yahay La Shaqeynta Xukuumada

0

Barasaabka Mombasa Mr Hasan Ali Joho ayaa Shaaca ka Qaaday in uu Diyaar u Yahay La Shaqeynta Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Kenyatta.

Mr Joho oo La Hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ee Gudaha ayaa Waxaa uu Sheegay in Heshiiska ay Gaareen Madaxweynaha iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Raila Odinga uu ahaa Go,aan Dan u ah Danaha Dalka.

 

Dhanka Kale Waxaa uu sheegay in uu Kala Shaqeyn Doono Dowlada Dhexe sidii Mashaariicda Hormarineed ay Kaga Dardar Galin Laheyd Gobolka Xeebta Gaar ahaan ismaamulka Mombasa.

 

Joho oo ah Hogaamoyaha Labaad ee Xisbiga ODM ayaa Waxaa uu Sanadihii La soo Dhaafay Weerar toos oo Dhanka afka ah La Daba Taagnaa Madaxweynha Dalka iyo Ku Xigeenkiisa William Ruto.

Barasaabka Mombasa ayaa Waxaa uu Ka Mid ahaa Hogaamiye yaasha Mucaaradka kuwoodii ugu Horeeyay oo soo Dhaweyay Heshiiskii ay Gaareen Madaxeynaha Dalka iyo Hogaamiyaha isbaheysiga Mucaaradka ah ee Nasa.

Waxaa uuna ugu baaqay Sadex Hogaamiye ee Kale ee isbaheydiga in ay Raacaan Talaabada uu Qaaday Mr Raila Odinga si loo soo afjaro Qalalaasaha siyaasadeed ee Dalka.

By. Mohamed somali.