Raila Odinga oo faahfaahiyay wixii ay ka wada hadleen madaxweynaha Kenya

0

Hoggaamiyaha NASA Raila Odinga ayaa faahfaahiyay wixii ay ka wada hadleen dhawaan madaxweynaha.

Wuxuu sheegay mudane Raila in magdhaw lasiin doono eheladii dadkoodu wax ku noqdeen rabshadihii dhawaan dalka ka dhacay ee ka dambeeyay doorashooyinkii kal hore.

Raila ayaa amuurtaasi faahfaahin ka bixiyay markii dhawaan uu booqasho ku tagay deegaankiisa degamada Kisumu oo in badan oo taageereyaashiisa ah uu kula kulmay.

Dawlada ayaa uu sheegay Raila Amolo Odinga inay ehelada dhibbaneyaashii rabshadihii doorashada ay magdhaw buuxa siinayso arinkaasoo Kenyanku u dhag taagayaan sida wax looga qabto iminka oo uu heshiis dhacay.

“Waxaan madaxweynaha isku raacnay in dhammaan waxaa iyo caddalad darrooyin kale oo jira wax laga qabto diyana lasiiyo eheladii saamayntu soo gaadhay.” Mr Odinga ayaa sidaasi yiri.

By mohamed somali