ICC oo soo xulatay garsooreyaal dib u eegid ku sameyn doona kiiskii madaxweynaha

0

Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka aduunka ee ICC ayaa soo xulatay sedex garsoore oo dib u eegis ku sameyn doona kiiskii daaqada laga tuuray ee ka dhanka ahaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto.

Dacwada oo loo soo magacaabay Robert Fremr, Reine Alapini-Gansou iyo Kimberly Prost ayaa waxaa sidoo kale kujira nin horay saxafi u ahaa oo lagu magacaabo Joshua arap Sang.

Sanadkii 2016-kii ayey eheyd markii ay guul darreysteen dacwadihii ka dhanka ahaa Kenyatta, Ruto iyo saxafi Joshua arap Sang kadib markii qaar kamid ah marqaatiyadii ay isaga baxeen kiiska halka qaarna ay ka gaabsadeen.

Labada garoosare oo xiligaasi gacanta ku hayay kiiska oo kala ahaa Chile Eboe-Osuji & Robert Fremr ayaa daaqada ka tuuray kiisaska kadib markii ay sheegeen in xafiiska dacwad soo oogaha aanu soo gudbnin cadeymo buuxa.

Haweeneyda ah dacwad soo oogaha Maxkamada ICC ayaa horay u sheegtay inay caawinaad ka waysay dowlada dalka Kenya taasoo ku aaddan kiiska sedexda Kenyanka ah walow dowladu ay taasi beenisay.

2014-kii ayeyna sidoo kale eheyd markii Fatou Bensouda (dacwad soo oogaha ICC) ay sheegtay inay isaga hartay dacwadihii ka dhanka ahaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta kadib markii ay ku eedeysay dowlada inay farogalin iyo cabsi galin ku hayso marqaatiyaasha.

Kenyatta , Ruto iyo Saxafi Sang ayaa lagu eedeeyay doorashadii sanadkii 2007 rabshad ka dhalatay in ay hurinteeda ka qeyb qaateen walow arinkaasi aan wali la caddeyn.
By mohamed somali