Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo La Kulmay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya (sawiro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, waxayna ka wada hadleen horumarinta adeegyada Caafimaadka ee Gobolka Benaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka gobolka, maadaama xiligaan ay jiraan baahi xoogan oo dadweynuhu u qabaan adeeg caafimaad oo dhameystiran.

“Waxaan ka wada shaqeynaynaa Wasaaradda Caafimaadka sidii adeegyada asaasiga ah, gaar ahaan caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada ku nool caasimadda, wayna naga go’an tahay in bulshada benaadir helaan adeeg caafimaad oo hufan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo uga mahadceliyey wada shaqeynta dhow Wasaaradda Caafimaadka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadka ay ka wada shaqeynayaan sidii adeegyada Caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada Gobolka Benaadir, taas oo horseedeysa iskutashi caafimaad oo gobolku gaaro. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo horumarka Caasimadda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xustay si loo gaaro caafimaad horumarsan in ay lagama maarmaan tahay dib u howlgelinta xarumihii caafimaadka ee heer gobolka, isla markaana ay wadajir uga shaqeynayaan sidii loo suuro-gelin lahaa saddexda Milyan ee ku nool Caasimaddu in ay helaan adeeg caafimaad oo ku filan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Benaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.