Gaadiidleyda Kenya oo Looga Digay in ay Socdaalaan Xilli Roobab Xoogan ay Ka Curteen Dalkaa

0

Waaxda Qaran ee Ilaalada Wadooyinka Dalka Kenya ee Loo Yaqaan NTSA ayaa Kaga Digtay Darawalada Kaxeeya Gaadiidka Dadweynaha in ay Taxadar Dheeraad ah Muujiyaan.

Digniintaan ayaa Ku soo aadeysa Saacado Kadib Markii Gaari Xamuul ah oo ay Saarnaayeen Shan Ruux ay Biyo Kula Tageen ismaamulka Kitui ee Gobolka ukambani.

Dadkaas ayaa Wali Laga Baadi Goobayaa Wabiga Mara Magaalada Mwingi.

Dhanka Kale Waxaa Wali Roobab Xoogan ay Ka Da,ayaan Degaano Hoos yimaada Gobolka Baratamaha iyo Rift Valley.

Roobabka iyo Raxmaa Rabi ee Ka Curatay Dalka Kenya ayaa Sidoo Kale Saacadihii La soo Dhaafay Daadad Ka Dhashay Waxaa ay ay La Tageen ku Dhowaad 10 Ruux oo Wali Raqdooda iyo Ruuxdooda Lagu La Yahay Dowlad Goboleedyada Narok iyo Taita Taveta.

By mohamed somali.