Dowladda Shiinaha oo dib u bilaabaysa dhismaha xarumo muhiim ah

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng: Yarisow) iyo Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa waxey kulan gaar ah la qaaten Safiirka Sadaarada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya waxeyna ka wada hadleen sidii ay Dowlada Shiinaha ay maal gashi iyo dib u dhis ugu sameen laheyd magaalada Muqdisho oo xiligaan ku talaabsaneyso horumar iyo xasilooni kaddib dib usoo kabashadii dhowr iyo labaatan kii sano ee rashadaha kajiray guud ahaan Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa kormeeray qeyba kamid ah Gobolka Benaadir si ay ugu guur galaan goobaha  ay qorsheyneyso in Dowladda Shiinaha ay ka fuliso mashaaricya horumarineed.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr.Jain Jian ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Dowlada Shiinaha ay diyaar u tahay dib udhiska Caasimadda iyo xarumihii caanka ahaa ee ay horey u dhistay inay dib u habeyn ku sameyso.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in Safiirka ay ka wada hadleen sidii dowladda Shiinaha ay uga qeyb qaadan lahayd bilic soo celinta caasimadda oo ay uga hirgelin lahaayeen mashaariicyo dib u dhis lagu sameynayo.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng: Yarisow) waxa uu  sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay  magaala lamaal gashan karo, uuna soo dhaweynayo in dowladda Shiinaha ay dib u dhis ku sameyneyso xarumo muhiim ah.

Xigasho:Xafiiska Warfaafinta Dowlada Hoose Ee Xamar