DHAGEYSO+SAWIRO:-Hishiis laga gaaray Khilaaf ka dhexeeyay Maamulka dagmada bursaalax iyo beesha wadal muge

0

Maamulka Dagmada Bursaalax iyo beesha wadar muge oo kamida beelaha dagan dagmada ayaa maantay yeeshay shir xal looga gaaro khilaaf in muda ah xanibay wada shaqaynta beesha iyo maamulka dagmada, sida bixinta canshuurta iyo ka qaynqaadasha hormarka dagmada ee beesha.

 

Shirkan oo uu ka qaybgalay Maamulka Gobolka Mudug ayay beesha wadal muge iyo maamulka dagmada Bursaalax ku wada qaateen in beesha ay bixiso canshuurta una hogaansamaan nidaamka dowliga ah sida beelaha kale ee dagan dagmada.

 

Gudoomiyaha dagmada bursaalax ee Gobolka Mudug Maxamed Saleebaan ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay tanaasulka ay sameeyeen beesha wadal muge.

 

Waxgaradka beesha wadal muge ayaa iyana ka hadlay tabashadoodii hore ee Maamulka Dagmada iyo tanaasulka ay maantay sameeyeen

 

Qaar kamida hooyooyinka dagmada ayaa bugaadiyay tanaasulka beesha wadal muge.

 

Ugu dambayn Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow ayaa ka mahadceliyay shaqooyinka ka socda dagmada iyo Tanaasulka Beesha Wadal Muge