DHAGEYSO:-Wasaaradda Amniga Dowlada Soomaaliya oo beenisay hadal ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka

0

Wasaaradda amniga iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa beeniyay hadalkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka soo baxay, kaasi oo ahaa in ciidan Militari ay la wareegeen xarunta Golah Shacabka Somaaliya.

Shirjaraai’d oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiiru dowlaha Wasaarada amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Booliska ayeey hadalkaan si wadajir ah uga hadleen warkii ka soo baxay gudoomiyaha barlamanka soomaaliya maxamed sheekh cismaan jawaari

Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Soomaaliya Xasan Macalin Xuseen, ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan jirin ciidan gaar ah oo la wareegay xarunta, balse ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Soomaaliya in la geeyay xarunta Golaha Shacabka.

“Runtii Maanta 2:0 duhurnimo ayaan ku amray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya in Ciidamo suga Amniga oo Boolis ah lagu kordhiyo Xarunta Golaha shacabka, wuuna aqbalay laakin ma jirto Ciidamo kale oo la geeyay, waxaana Ciidamadu sugi doonaan Amniga Xarunta iyo Xildhibaanada oo waa masuuliyad na saaran ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Amniga.

Wuxuu sheegay amar ka soo baxay Wasaaradda amniga in lagu geeyay ciidankaasi, balse aysan jirin xaalad kale oo ka taagan xarunta Golaha Shacabka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Bashiir, ayaa dhankiisa sheegay ciidamada cusub ee geeyay xarunta Golaha Shacabka inay yihiin ciidanka Birmadka Booliska Soomaaliyeed oo hawlihii loogu talo galay ku guda jira.