Akhriso:-War Deg deg: Dhisme dabaq ahaa oo dumay

0

Dhisme dabaq ahaa oo dumay-Ruai Dhisme dabaq ahaa ayaa ku dumay deegaanka Ruai ee nawaaxiga Nairobi dhowr qof ayaana lasheegay in burburka ay ku hoos jiraan.

Dhismaha ayaa ka koobnaa dhowr dabaq. Warbixinada soo gaaraya Allgalgaduud ayaa sheegaya in ilaa 4 dabaq uu ka koobnaa dhismahaasi.

Kenya Red Cross ayaa sheegtay in lasoo badbaadiyay hal qof oo ka mid ahaa dadkii dhismaha dumay burburkiisa kuhoos jiray. Qofkaa lasoo badbaadiyay ayaa loo qaaday isbitaalka Mama Lucy Hospital ee dhanka bari ee Nairobi.

Dhismahaas ayaa u dhowaa wadada dhanka bari ee weyn ee Eastern Bypass gaar ahaana waxaa uu saarnaa ama kaabiga ku hayay isgoyska jidkaasi laamiga ah.

Hawlaha samatabixita ayaa wali socda.

By mohamed somali.