Akhriso:-Khilaafka Khayre iyo Jawaari oo maraya marxalad adag.

0

Khilaafka dhawaan un soo ifbaxay xowlina ku socday ee u dhaxeeya Gudoomiyaha Hey’ada sharci dajinta ee Golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Madax Hey’adda Fulinta Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray heerki ugu sareeyay iyadoo Prof Jawari uu si caro leh uga hadlay.

Khilaafka ayaa ahaa mid aan kahor 14-kii bishaan soo shaacbixin waaba hadii uu jiray  , waxaana uu banaanka yimid markii xildhibaano badan ay si lama filaan ah mooshin kaga gudbiyeen gudoomiyaha Golaha shacabka Prof Maxamed Shiikh cusmaan.

Hase ahaatee wixi ka dambeeyay ayaa waxaa uu ku socday si dar dar ah waxaana uu haatan marayaa heerki ugu sareeyay oo ay siyaasiyiintu tilmaameen in hadii aan si deg deg ah xal loogu helin habac ku keeni karto shaqooyinka labada Hey’adood ee Fulinta iyo Sharci dajinta.

Prof Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa mar uu xalay qabtay shir jaraaid oo aad uga duwan kuwii hore u qabtay waxaa uu sheegay in khilaafka isaga iyo Ra’iisal wasaare xasan cali Kheyre uu yimid kadib markii uu isaga diiday inuu saxiixo wax ka hor imaanaya nidaamka sida uu tilmaamay.

“Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii aan diiday in aan saxiixo wax lid ku ah ammaanada Shacabka ii dhiibtayn iyo Danaha Qaranka” ayuu yiri Prof Jawaari.

Dadka badan ayaa isweeydiinaya waxa uu yahay heshiiska uu jawaari ka dhawaajiyay inuu lid ku ahaa danaha qaranka iyo nidaamka dowladnimo ee uu saxiixiisa diiday iyo sidoo kale xiliga laga codsaday inuu qalinka ku duugo.

Ra’iisal wasaare Kheyre wali ma uusan ka hadlin khilaafka soo shaac baxay ee kala dhaxeeya gudoomiyaha Golaha shacabka.

Prof Jawaari loogama baran inuu warbaahinta ka sheego khilaaf kala dhaxeeya mas’uul ka tirsan dowladda waana markii ugu horeysay mudo shan sano ah oo uu xilka gudoonka Golaha Shacabka haayo.

Waa kale oo jirta in dowladii tan ka horeysay doorka ugu badan ee Jawaari uu ahaa mid dhexdhexaad ah oo khilaafka soo dhex gala madaxweynihi hore iyo Ra’iisal wasaarayashii la shaqeyay uu ka ahaa mid banaanka ka jooga.

Sikastaba waxaa ay dad badan farta ku fiiqayaan in ay lagama maarmaan tahay in madaxcweyne farmaajo uu qaato door nabadoon nimo oo uu xal deg deg ah dhex dhigo labada mas’uul ee khilaafkooodu laga cabsi qabo inuu saameeyo shaqooyinka dowladda.