Akhriso:-Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartay Khilaafka Golaha Shacabka

0

Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay Khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya.

War kasoo baxay Beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah Khilaafka loo dhameeyo si loo amba qaado howlaha horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhowraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasilooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho in aanan u dhabarka ugu jabin Hormarka Soomaaliya.

“Bulshada caalamku waxay ku boorineysaa hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay ixtiraamaan xukunka sharciga iyo Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee xalinta khilaafaadka siyaasadeed. Tani waxay u baahan tahay inay ku jirto ilaalinta meelo dimuqraadi ah. Hawlaha kordhiya xiisadaha keena rabshad suurtagal ah waa in laga fogaadaa dhammaan”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Hadalka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli uu xoogeystay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu gaaray xilli ciidamo ay qabsadaan xarunta Baarlamaanka.