Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya oo kormeer amni ku tagay degmada Hilliwaa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay waqti dambe Kormeer amni ku tagay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Benaadir.

Kormaarka Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaar ka tirsan Guddoomiyeryaasha Degmooyinka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha degmada Hilliwaa iyo Saraakiil kale oo Ciidan.

Kahor inta uusan Ra’iisul Wasaaraha bilaabin kormeerkiisa ayaa waxaa Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka lagu daadiyay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada iyo wadooyinka waa weyn, kuwaasi oo ammaanka xaqiijinayay inta uu kormeerka socday, si aysan u dhicin arbushaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay baraha Kontorool ee Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi iyo xarunta degmada, waxayna Ciidamada xilligaasi ku guda jireen howlahooda shaqo.

“In Habeen saq dhexe ah aan joogno degmada Hilliwaa waxa ay ka dhigan tahay Nabadda oo ku sii baaheysa guud ahaan dalka, waxaan diyaar u nahay in har iyo habeen aan u shaqeyno shacabka Soomaaliyeed, Saraakiisha iyo Ciidamada waxaan ku dhiiragelinayaa in ay kordhiyaan waajibaadkooda, maxaa yeelay shacabka adinka ayay idinku seexdaan.” Ayuu yiri Khayre.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa 14-kii bishan xilli habeen ah ka baaqday kormeer uu doonayay inuu ku maro Isgoysyo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo kordheen arrimo xasaasi ah oo Siyaasadeed.