Mukhtaar Roobow oo Fariin u diray Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dawlada Soomaaliya

0

Iyadoo mudooyinkii danbe magaalooyinka Maamulka Koonfur Galbeed ay ka socotay Qorista ciidamo cusub oo qayb kanoqonaya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed loona diyaarinayo Xoraynta deegaanada ay haystaan Al-Shabaab ee ka tirsan maamulkaasi ayaa waxaa ka hadlay Mukhtaar Roobow Al.Mansuur.

Mukhtaar Roobow Al-Mansuur ayaa saraakiisha iyo madaxda maamulka koonfur galbeed u qaabilsan diiwaan galinta ciidamada ugu baaqay inaysan ku darin dadka ay diiwaan galinayaan Askar leh Balwad isagoo sheegay inuusan waxba qaban karin askari Balwad leh.

Seekh Mukhtaar ayaa sheegay inaan lagu arki karin ciidamada la qoray askar leh Balwad kii lagu arkana uu dib ugu soo celin doono magaalooyinka laga soo qoray.

Muqtaar oo ka hadlayey ayaa yiri”Askari isticmaala balwad sida Qaadka, Sigaarka, Kaniiniga, Qamriga, Xashiishka iyo Calaqa kama mid noqonayo askartayda.

sidoo kale Askarta horay ugu naafooway dagaaladii Al-Shabaab iyo Dagaaladii Sakeeye ayana kama qeyb qaadanayaan dagaalada aan galayno ee Al-shabaab ku Bartilmaansanayon fariisinadooda ayuu yiri” Muqtaar Roobow.

Dowladaha Somalia iyo Mareykanka ayaa  dhawaan  lacag la duldhigay Muqtaar Roobow xiligii uu ka tirsanaa Al-Shabaab ka dulqaaday, dawlada  Soomaaliya ayaa Muqtaar Roobow u isticmaali doonta la dagaalanka Al-Shabaab maadaama uu khibrad fog u leeyahay qaababka ay u dagaalamaan.

Roobow ayaa sidoo kale waxaa loo diiwaan galiyey 3,000 oo askari oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxaana uu sheegay inuusan  ciidan Qaran u garanayn kuwo leh Balwad oo sidoo kale usan u muuqan mid xorayn kara dalka.

Hadalka Muqtaar Roobow ayaa kusoo aadaya Xili magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay ka socoto Qorista ciidamo cusub oo qayb ka noqonaya Xoraynta Deegaanada Gacanta ugu jira Al-Shabaab kuwaasoo Dufcadihii ugu horaysay tababar loogu soo xiray magaalooyinka Muqdisho iyo sidoo kale Magaalada Baydhabo.