Dowladda Liibiya oo Xabsiga Dhigaysa Boqolaal Magafayaal Soomaali Ay Ku Jirto

0

Dowladda Liibiya ayaa warqaddii lagu soo xiri lahaa u jartay 205 Qof oo ah Malleeshiyaadka Dadka tahriibiya, kana ganacsada ee ku sugan Dalkeeda, kuwaasoo isugu jira muwaadiniin iyo Ajanebi.

Agaasimaha Xafiiska xeer ilaaliyaha Dalka Liibiya u qaabbilsan dhanka baaritaannada ,Seddik Al-Sour, ayaa sheegay in Dadkan eedeysanayaasha ah inay jirdil,dil, Kufsi iyo dhibatooyin kale u geystaan Dadka ay musaafurinayaan.

Xafiiska guud ee Qareennada Dalka Liibiya oo daba gal ku haya eedeysanayaashan ayaa sheegay in shabakaddan ay ku jiraan xubno ka mid ah hay’adaha amniga, hoggaamiyeyaasha xeryaha Qaxootiga, iyo mas’uuliyiin ka socda safaaradaha Afrika ee Liibiya.

Maleshiyaadka ajaanibta magafayaasha ee wax tahriibiya ayaa waxaa ka mid ah dad fara badan oo Soomaali ah kuwaa oo u fududeeya magafayaasha iney gacanta u galaan muwaadininta soomaaliyeed.

Arrintan ayaa waxay imanaysaa iyadoo ay Dowladda federaalka Soomaaliya dedaallo ballaaran ugu jirto soo deynta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta Xabsiyada Dalka Liibiya iyo Gacanta ma naxayaasha wax tahriibiya, waxaana sido kale kamid ah magafayaal soomaali ah.

Dalka Liibiya ayaa tan iyo markii talada laga fara maroojiyay Muammar Gaddafi Sanaddii 2011-kii, waxa uu wajahayay fowdo iyo kala dambayn la’aan, iyadoo degaanno badan oo muhiim ah ay Gacanta ku dhigeen hoggaamiye kooxeedyo iyo Malleeshiyaad aan cidina ka ammar qaadan, kuwaasoo samaystay goobo ay ku ciqaabaan, kuna kala iibsadaan Dadka Tahriibayaasha ah ee waayadii dambe marinka ka dhigtay Liibiya, waxaa sido kale ka dhashay geeridii Gaddafi kadib Ururo Argagaxiso oo jihaad doon ah.