Dowlada Kenya oo dadka wayeelada ah u qeybineyso 30 bilyan oo shilin

0

Wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ayaa sheegtay in sanadkan lacag dhan 30 bilyan oo shilin loo adeegsanaya barnaamijka lacagaha lagu siiyo dadka da’da ah.

Wasiirka shaqaalaha Ukur Yatani ayaa hoosta ka xariiqay in qeyb ka mid ah nidaamkan oo loogu magacdaray Inua Jamii xariga laga jaraya laba todobaad gudahood.

Waxaa lacagahasi ka faaiideysanaya dadka ay da’dooda ka sareysa 70 sano .

Tirada dadka hor leh ee qorshahan ka faaiideysanaya ayaa ah 520,000 halka guud ahaan tan iyo markii la bilaabay 1.2 milyan oo qof la diiwangeliyay iyadoo mid waliba uu bil kasta helaya 2000 oo shilin.

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha Ukur Yatani ayaa sheegay in shir qaran oo ku saabsan badbaadinta bulshada lagu qabanaya dugsiga lagu barto culuunta la xiriirta maareynta lacagaha.

Xoghayaha wasaaraddasi Susan Mochache ayaa dhankeeda sheegtay in 220,000 qof oo wayeelo ah lagu daray nidaamka caymiska cafimaadka ee NHIF.

By mohamed somali