Mudanayaasha Aqalka Sare Oo Maanta ka Doodaya Heshiiskii Berbera Ee DP World

0

Xubnaha aqalka sare ee soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan go’aankii uu barlamanka soomaaliya ka gaaray shirkada DP World oo dhawaan heshiis Somaliland kula saxiixatay dalka imaaraadka.

Mudanayasha aqalka sare ayaa Ku balansanaa maalintii shalay ahayd in ay arintan ka doodaan hase ahaatee uu waqtigu Ku dhacay sida uu warbaahinta u xaqiijiyey cabdi caashi cabdilaahi oo ah gudoomiyaha aqalka sare.

Xubnaha aqalka sare ayaa loo qeybiyey shalay nuqulo Ku saabsan go’aankii uu barlmanka golaha shacabka ka soo saaray shirkada DP World oo uu ka mamnuucay guud ahaan dalka.

Sida uu dastuurku qorayo xubnaha aqalka sare ayaa hadii ay ayidaan go’aankii golaha shacabka oo ay cod u qaadaan,waxa ugu danbeyn xafiiskiisa uu tagi doonaa madaxweyne Maxamed cabdulaahi farmaajo halkaasi oo uu ka soo bixi doono go’aankii ugu danbeeyey ee ay dowlada soomaaliya ka gaaray shirkada DP World ee imaaraadka laga leeyahay.