Madaxweynaha Hir-Shabelle Oo Casho Sharaf U Sameeyey Wafdi Ka Socday Wasaarada Beeraha Xukuumada Soomaaliya

0

Madaxweynaha hirshabelle Maxamed cabdi waare ayaa caawa magaalada jowhar Casho Sharaf ugu sameeyey wafdi ka socday wasaarada beeraha oo ay horkacayeen saraakiisha wasaaradaasi.

Madaxweynaha iyo wafdiga wasaarada waa cashadasi Ku wehlinayey xubno ka socday hay’ada tika oo ah hay’ad laga leeyahay dalka turkiga.

Hay’ada tika ayaa LA filayaa in deegaanada hirshabelle ay ka hirgaliso mashaariic kala duwan oo dhanka beeraha qaabilsan,iyadoo sidoo kala ka shaqeyn doonto arimo badan oo Ku saabsan webiga shabelle oo iminka guray.

Hay’ada tika ayaa sidoo kale yagleeli doonta Kanalka Sabuun,sida uu sheegay madaxweynaha maamulka hirshabelle Mudane waare.

Madaxweyne waare ayaa u Mahad celiyey dowlada turkiga,isagoo hoosta ka xariiqay in ay LA shaqeyn doonaan saraakiisha hay’ada tika ka socda ee hirshabelle jooga mashaariicda horumarineed.