Waxaa ay kala qeybsanaan ka dhex muuqataa urur weynaha NASA iyada oo saraakiisha laba ka mid ah xisbiyada hoos tago isbeheysigaas gaar ahaana ODM iyo ANC ay eedeymo dusha isaga tuurayaan.
Waxaa lagu muransanyahay warbixin dhawaan la soo saaray oo ku aadan sida hogaamiyaasha NASA ee kala ah Raila Odinga, Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetanguala ay u kala qeybsan lahayeen xilalka ugu sareeya hogaanka dalka.
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Agnes Zani ayaa shaaca ka qaaday in liiska warbixintaasi lagu xusay oo muujinaya in Raila uu noqonayo musharaxa madaxtinimada dalka kula tartamayo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu yahay mid sax ah.
Warbixinta lagu murmay ayaa waxaa sido kale ku qoran in Kalonzo Musyoka uu noqonayo madaxweyne ku xigeen, Muslia Mudavadi laga dhigayo m wasiirka ugu sareeya halka Moses Wetangula uu noqon doono gudoomiyaha labada aqalka ee baarlamaanka iyo senetka midkood.
Haweeneydan ayaa saraakiisha xibiga ANC oo uu hogaamiya ka yahay Musalia Mudavadi ku eedeysay in ay kenyaanka marin habaabinayaan maadama maalintii isniinta ay sheegen in ururka NASA uunan weli musharax u matalo loolanka madaxtinimada loogu jiro soo xulan.
Xoghayaha guud ee xisbiga ANC Godfrey Osotsi ayaa ODM ku eedeeyay in uu dib u dhac ku keeni karo geedisocodka lagu soo xulanaya siyaasiga calanka u babin doono urur weynaha Nasa.
By mohamed somali