Bangiga adduunka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in Kenya looga baahanyahay in laga dhiso 2 milyan oo guri si loola tacaalo gabaabsi dhanka guriyaha ah.
Arrintan ayaa sido kale laga dhawaajiyay in ay tahay mid kaalin muhiim ah ka qaadan doonto in la xakameeyo xaafadaha isku raranta ee sii badanaya iyada oo guriyaha ku yaalo ay tayadoodu hooseyso.
Warbixinta ayaa lagu xusay in 6 ka mid ah tobankii ruux ee ku nool magaalooyinka waweyn ay hooy u yihiin xaafadaha isku raranta. Sido kale maalgashiga dhanka guriyaha ayaa la sheegay in ay shaqooyin abuuri doonto halka dhaqaalaha dalka uu kobci doono.
Wadamada qaarada Afrika ayaa la sheegay in magaala madaxdooda ay yihiin kuwo uu si weyn uga socdo dhisidda guriyaha iyada oo boqolkiba 40 ee dadka ku nool wadamada ay deganyihiin magaalooyinka .
Bangiga addunka ayaa saadaalinya in badan oo kenyaanka ka mid ah sanada 2033-da ay ku noolaan doonaan magaalooyinka waweyn sida
as awgeed waxaa loo baahanyahay in magaalooyinka dalka sanad kasta laga dhiso 244,000 oo guri.
Magaala madaxda dalka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in ay ka mid tahay magaalooyinka qaarada Afrika ee qarash badan uu ku baxo dhismaha guriyada ama in la ajaarto.
By mohamed somali