Xabsi cusub iyo xarumo kale oo dhismihiisu ka socdo Duleedka Muqdisho+Sawirro

0

Magaalada Muqdisho duleedkeeda waxaa ka socda dhismaha Xabsi cusub oo si casri ah loo dhisayo iyo xarumo kale a ku shaqeeyaan Ha’adaha Garsoorka dalka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa, Guddomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale ayaa maanta booqday halka uu marayo dhismaha Mashruuca weyn ee ka kooban Xabsi cusub iyo xarumo ay ku shaqeeyaan Garsoorka.

Taliyaha, ayaa xog weystay Injineerada dhismaha Mashuurcaan fulineysa, waxaana uu kala hadlay siddii ay u dar dar gelin lahaayeen dhismaha Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha oo hadda heer gabo gabo ah maraya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Madaxda kale ee la socotay ayaa qeyb qeyb u tagay dhammaan dhismaha uu ku fadhiyo mashruucaan oo ay maal galinayaan Beesha Caalamka.

Xigasho Wasaarada Gaashaandhiga