VIDEO:-Xildhibaanada ODM oo kulan yeeshay maxaa ka soo baxay

0

Waxaa kulan yeeshay xildhibaanada aqalka baarlamaanka iyo senetarada aqalka sare ee ka tirsan xisbiga ODM.
Waa kulankii ugu horeeyay ee xisbigan uu yeesho tan iyo bilowgii sanadkan waxaana shir guddoominayay hogaamiyahooda Raila Odinga.

 

Xildhibaanka laga soo doortay degaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori sido kalena ah madaxa Nasa u qaabilsan dhanka kala dambeynta ee baarlamaanka Junet Maxamad ayaa saxaafadda u aqriyay bayaan ka soo baxay madashaasi.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kulanka maanta qabsoomay uu yimid kadib markii tan iyo 30-kii bishii janaayo ee sanadkan waxyaabo badan ay dalka ka dhaceen.

Qodobada ka soo baxay shirkaasi ayaa waxaa ka mid ah in xildhibaanada ay tageerayaan go’aan la soo saaray 23-kii bishii labaad ee sanadkan oo ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo xisbiga ODM.

Xildhibaanada ayaa sido kale soo dhaweeyay in la soo dhiso guddi ka shaqeynaya in dib u eegis lagu sameeyo waxqabadka xisbiga ee doorashadii la soo dhaafay si loo wanaajiyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

By mohamed somali