Ugu yaraan 2000 oo itoobiyaan ah oo u soo talabay dhanka Kenya

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Moyale ayaa sheegay inay halkaasi soo gareen ugu yaraan 2000 oo qof oo ka yimid dhanka dalka Itoobiya.

Waxay yimadeen waqooyiga Moyale iyagoo magan galya doon ah.

Hay’adda laanqeerta cas laanteeda Kenya ayaa sheegtay in dadkaasi iyaga ah la geeyay xerooyinka kala ah Butiye, Somare, Cifa iyo Sessi.

Qaar ka mid ah ayaa doonaya inay la noladaan qarabadooda sida ay sheegtay laanqeerta cas.

Bayaan ay soo saartay hay’addan aya lagu sheegay in dadkaasi badankoodu 10-kii bishan saacadu markii ay ahayd 10-kii habeenimo ay soo gareen mooyale.

Dadka ka soo qaxay dhanka Itoobiya ayaa u badan carruur iyo haween.

Warbaahinta Itoobiya ayaa dhanka kale tabisay in ciidamada dalkaasi ay toogasho ku dileen 9 qof oo shacab ah

by mohamed somali