Saraakiil Qaramada Midoobay Ka Socotay Oo Gaaray Baydhabo Kulamana la qaatay maamulka Koonfur Galbeed

0

Ku simaha Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), ayaa Magaaladda Baydhabo kula kulmay Saraakiil Qaramada Midoobay ka socday.

Saraakiishan oo ka tirsan Booliska Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkan dambe Maamulka Koonfur Galbeed kala shaqaynaayay dhanka ciidamada iyo arrimaha ammaanka.

Bengt Gronlund oo hor kacayay Saraakiisha ayaa waxay Kusimaha Madaxweynaha ay is dhaafsadeen tallooyin ku aadan suggida nabadgelyada iyo weliba dhismaha Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya.

Saraakiishan oo dhameystay muddo xiloodkoodii Qaramada Midoobey ee Somaliya ayuu Wasiir Xasan Eelaay guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo hadiyad uu ugu talagalay, iyagoona kaga mahadceliyay.

Xigasho Wasaarada Warfaafinta Koonfur Galbeed