Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xeebta Liido kulan kula qaatay Shacabka Muqdisho (SAWIRO)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa maanta karmeer shaqo ku tagay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalmiga ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxuuna kulamo kala duwan la yeeshay madaxda labada Wasaaradood.

Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay waheliyaan wasiir Ku xigeenka iyo Wasiir dawlaha Wasaaradda ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhaweeyay xarunta wasaaaradda, waxayna usoo bandhigayn sida ay shaqada u wadaan iyo halka ay howshu u marayso, isgoona Wasiir Cawad warbixin kooban Ka siiyay dhammaan safaradii uu ku tagay dalka dibadiisa iyo guulaha laga gaaray.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulanka ka dib tilmamay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii loo xoojin lahaa xirirka arrimaha dibadeed ee Soomaaliya la wadaagto dalalka caalamka buu yiri, si ay usoo ceshato sharaftii iyo awoodii ay ku lahayd caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale booqday wasaaradda Maaliyadda, waxaan ku soo dhaweeyay wasiirka Wasaaraadda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda. Isagoona kala hadlay sidii loo dar-dargalin lahaa howlaha shaqo ee wasaaradda iyo qorshayaasha ugu muhiimsan ee wasaaradu fulindoonto sanadkan bilowga ah.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, oo ah goob loo tago nasasho iyo dalxiis, isagoona wakhti kula qaatay shacabkii usoo nasasho tagay xeebta kuwaas oo u badnaa dhalinyaro. Sidoo kalena waxuu ka dhagaystay talooyinkooda, waxuuna u balan qaaday inu hirgilin doona aragtidooda kuwa ugu muhiimsan.