Marwo Hania Sagar oo Racfaan Ka Qaadatay Xukun 10 Sano oo Xabsi ah oo Todobaadkii La soo Dhaafay ay Maxkamada Mombasa ku Riday

0

Carmalada u Dhixi Jirtay Wadaadkii Lagu Magacaabi jiray Aboud Rogo oo Lagu Dilay Magaalada Mombasa Sanado Ka Hor ayaa Waxaa ay Racfaan Ka Qaadaneysaa Xukun 10 sano oo xabsi Gaaraya oo Todobaadkii Hore ay ku Xukuntay Maxkamada Magaalada Mombasa.

Marwo Hania Sagar ayaa Saraakiisha Dacwad soo oogayashaa Dalka Kenya ku eedeyeen in ay Xiriir La Laheyd Sadex Gabdhood oo Weerar Fashilmay ku Qaaday Laba Sano Ka Hor.

Marwo Sagar ayaa Ku Fashilantay in ay Cadeymo Meel isaga Saarto Dacwadaha Lagu soo oogay Waxaana La Sheegay in ay Xiriir La Laheyd Kooxaha Argagixsada Gaar ahaan Shabab ka Somalia.

Haweeneydaan ayaa Dhanka Kale Waxaa ay Sheegtay in aysan Cadaalad aheyn Xukunka ay Ku Riday Garsooraha Maxkamada Sare ee Magaalada Mombasa oo Lagu Magacaabo Diana Mochache.

Tasnim Yakub, Ramla Abdirahman Hussein iyo Maimuna Abdirahman oo Isku Dayay Weerarkii Fashilmay ee Lagu Qaaday Saldhiga Dhexe ee Magaalada Mombasa ayaa Waxaa Toogtay Saraakiisha Police-ka ee Saldhigaasi.

Baaritaano ay Dowlada Sameysay ayaa Lagu Ogaaday in Gabdhahaasi ay Xiriir La Sameyeen Ka Hor inta aysan Weerarkaasi Qaadin ay La Xiriireen Marwo Hania Sagar.

By mohamed somali