Magaalada Nairobi waxa ka socda Shir looga hadlayo Kheyraadka Soomaaliya

1

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cali Xaashi ayaa ka hadlay shir ku saabsan Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in kulankani oo ay ka qayb galayaan qaar ka mid ah maamullada Dalka laguna lafa guridoono sidii looga faa’iideysan lahaa kalluunka iyo sidii barnaamijyo shaqa abuur ah loogu samayn lahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Isaga oo la hadlayay warbahinta ayaa intaasi raaciyay in ay Nairobi ku yeesheen kulan looga hadlayay wixii ka soo baxay shir ay 10-kii Febaraayo ee Sanadkan ku yeesheen Muqdisho madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasoo ku saabsanaa sidii loo wadaagi lahaa kheyraadka dalka.

 

“Waxey ku heshiiyeen meeshii saami ahaan wax loo qaybin lahaa in lacagta oo dhan Bankiga dhexe lagu shubo, oo marka dambe iyagu iyagoo dhan oo wadar ah ay go’aan ka gaadhaan, marka laba arrimood un bay ku heshiiyeen in dakhligaa loo Isticmaali doono, mid waxaa weeye in arrimaha amniga wax looga qabto , tan Labaadna waxa weeye sidii dhaqaalaha waddanka loogu dhisi lahaa’ ayuu yidhi Mr Xaashi.

 

Shirkan oo ay ka qayb galeen wasiirrada kalluumaysiga ee maamul goboleedyada ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii wax looga qaban lahaa dhaqaale ay midowga Yurub ku bixiyeen sidii loo jihayn lahaa dhallinyaradii ka waantoowday howlaha Burcad Badeednimada ee Soomaaliya, kuwaas oo loo abuurayo shaqooyin u badan Kalluumaysi iyo in loo sameeyo qalabkii ay ku howlgali lahaayeen.

 

Shirarkan looga hadlayo arrimaha kalluumaysiga iyo jihaynta Dhallinyaradii Burcad Badeedda ahayd ayuu sheegay wasiirku in wixii haatan ka billowda la ballaadhin doono lana gaarsiin doono dhammaan gobollada dalka, maaddaama ay yaraadeen weerarradii burcad Badeedda.

 

Sikastaba hanoqote shirkan nuqulada laga so sarayo hadey hirgalan waxey shaqo abuur u noqonesa barbaarta somaliyeed

by mohamed somali. nairobi kenya

Comments are closed.