Madaxweyne Xaaf oo la kulmay Guddiga Isku dhafka Galmudug iyo Ahlusunna (SAWIRO)

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa kormeeray ku tagay xarunta Shirka uga socdo Guddiga isku dhafka Galmudug iyo sidoo kale maamulkii Ahlusunna.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Guddiga waxaana ugu baaqay in ay dardargeliyaan howlaha ay waddaan.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in maamulka uu si toos ah u shaqo bilaabo, waxaana uu guddiga ugu baaqay in ay si caddaalad u qabtaan Shaqadda ay hayaan.

Dhawaan ayaa lagu waddaa in la isku daro baarlamaanka maamulka Galmudug iyo sidoo kale baarlmaankii maamulkii Ahlusunna.