Maamul goboleedka Nairobi oo 27 bilyan oo shilin u adeegsanaya goob qashinka la isugu geeyo

0

Gavanaha maamul goboleedka Nairobi Dr Evans Kidero aya difaacay wax qabadka dowladiisa afartii sano ee la soo dhafay waxaa uuna sheegay in diirada la saaray sidii lagu soo saari laha bilicda magaala madaxda dalka .

Xiligii lagu guda jiray ololihi doorashadii guud ee sanadii 2013-kii waxaa uu Dr.Kidero balanqaaday in uu mudo 100 maalmood gudaheed ah uu ku maareyn doono wasaqda laga soo saaro xaafadaha kala duwan ee magaalada Nairobi.

Hasa ahaate gavanaha ayaa marar badan lagu dhaliilay in uunan ka dhabeyn balanqaadkii ahaa in lala tacaalayo caqabada dhanka nadaafada ah ee ka jirtay caasimada dalka in mudo ah.

Waxaa uu intaas ku daray in 27 biilyan oo shilin loo adeegsan doono in lagu sameeyo goob qashin qub ah.

By mohamed somali