DHAGEYSO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo beenisay in la joojiyay Baasaboorkii laga bixin jiray Garoowe.

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa beenisay iney joojisay Baasaboorka ay ka bixineysay Xafiiska ay hay’adu ku lahayd  magaalada Garowe ee caasimada puntland

Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Hay’adda oo markii hore deganeyd guri Kiro ah oo gaar leeyahay ay hadda xarun weyn ka dhisatay magaalada Garowe, halkaasi oo ay ka sii socon doonto howsha Shacabka ay u heyso Hay’adda.

Hay’adda ayaa mar kale ku wargalisay bulshada ku xiran adeegga xaruntaan in adeegga bixinta Baasaboorka dib uga bilaaban doonto xarunta cusub oo loo wareejiyay xafiiska

Dhinaca kale Hay’adda ayaa waxa ay cadeysay in aysan matalin isla markaana wax mas’uuliyad ah u haynin dad shaley sheegtey magaca Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasinka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan maamulka gobolka Nugaal wadashaqeynta hagaagsan, islamarkaana ku saleysan sharciyada dalka.