Golaha aqalka sare oo maanta ka doodaya DPWorld iyo weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid

0

Xubnaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya dhowr ajende iyada oo uu maanta furmayo kalfadhiga 3aad ee Golahaasi fadhigiisa 1aad,waxaana Ajendaha maanta ka mid ah.

1. Warbixinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare

2. Dabagalka iyo ka tashiga weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdid

3. Ka doodista Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed ee kasoo gudbey Golaha Shacabka BFS

4. Arrimaha Amniga ee Golaha Aqalka Sare. Mahadsanidiin.

Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed  waxaa shalay ka dooday golaha shacabka Soomaaliya waxaana ay dalka ka mamnuuceen Hay’adda DPWorld iyaga oo sidoo kale laalay dhamaan heshiisyadii hore ee lala galay DPWorld.

Dhinaca kale waxaa ay ka doodi doonaan dabagalka weerarkii dhamaadkii sanadkii hore lagu qaaday Guriga Sanator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah Golaha aqalka sare ee Soomaaliya.