Faah faahin:Dagaal Ciidamada Dowlada Iyo Shabaab ku dhexmaray G/Bakool

0

Faah faahino dheeri ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ciidamada dowlada soomaaliya kuwooda koonfur galbeed iyo shabaab Ku dhex maray gobolka bakool.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa yimid  kadib marii weerar ay ciidamada dowlada Ku qaadeen saldhigyo ay shabaab Ku leeyihiin deegaanka dudumoole oo qiyaastii 30 km u jira dagmada xudur oo ah magaalo madaxda gobolka bakool.

Gudoomiyaha dagmadaasi ayaa idaacada codka mareykanka u sheegay in dagaalkaasi ay guul ka gaareen isla markaana ay Ku dileen 10 xubnood oo shabaabka ka tirsanaa.

Dagaalka ayaa Ku soo beegmaya xili maalmo ka hor madaxweynaha koonfur galbeed uu ciidamada maamulkaasi Ku booriyey in ay shabaab ka xoreeyaan deegaanada Ku harsan gacantooda.