Dhageyso”Dhaqaatiirta Caafimaadka Gobolka Hiiraan Oo Ka Hadlay Shuban Biyood ka dilaacay Gobolkaasi Iyo tirada Ilaa iminka U Geeriyootay

0

Dagmada buula barde iyo deegaanada hoostaga waxa saacadihii ugu danbeeyey ka dilaacay cudurka shuban biyoodka kaasoo dilay in ku dhaw 13 qof oo isagu jira caruur iyo dad waa weyn

Dadkan ku nool deegaanadan hoostaga gobolka hiiraan ayaa caba biyaha wabiga oo aan nadiif ahayn,waxana deegaanada sida aadka ah uu uga dilaacay cudurkan ay kala yihiin Jameeca Shiin Jameeca Mubaarak iyo cag bashiir oo hoostaga dagmada buula barde

Saraakiisha caafimaadka ayaa ka deyrinaya xaalada caafimaad ee dadkaasi soomaaliyeed sida uu ku waramayo yuusuf isaaq oo ka mid ah dhaqaatiirta gacanta ku haya dadka uu cudurkaasi soo ritay