Dhageyso”Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Oo Ka warbixiyey Kulan Muqdisho Ugu Soo Gaba Gaboobay Wasaarada Waxabrashada Iyo Kuwa Maamulka Goboleeyda

0

Magaalada muqdisho ayaa lagu soo gaba gabeeyey kulan laba casho u soconayey masuuliyiinta wasaaraa waxbarashda xukuumada fedraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka shaqeya arimaha waxbarashada

kulankan oo u jeedadiisu ahayd sidii loo tayeyn lahaa guud waxbarashada dalka isla markaana dib loogu soo nooleyn lahaa dugsiyadii waxbarasho ee sida lacag la’aanta ah barisamaadkii wax loogu baran si ay uga faa’ideystaan jiilasha cusub iyo qoysaska danta yar ee aan awoodin dhaqaale ay ku bixiyaan waxbarashada ubadkooda, ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada xasan maxamed cali oo sheegay in kulamada noocan ah ee ay wada yeelanayaan wasaarada wabarashada oo ay wehliyaan kuwa dowlad goboleedya iyo hay’adaha waxbarasha taageera ay daliil u tahay in ay dib u soo noqoneyso nidaamkii lagu yaqiinay dowladnimada taasna ay ka wax tareyso horu kaca la xiriira kobcinta tayada waxbarashada