DHAGEYSO:-Xildhibaanada Aqalka Sare oo Isku raacay in Guddi loo saaro Kiiska Cabdi qeybdiid

0

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dooday Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Kulanka oo socday Saacado badan ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada Aqalka Sare ay soo jeediyeen in loo saaro guddi, maadaama Xildhibaan Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Guddigii uu Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray Kiiskiisa.

Waxaa soo xaadiray kulanka 28 Xildhibaan, 23 ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in guddi loo saaro arrinta Cabdiqeybdiid, 4 Senatorka waxa ay u codeeyeen in Ra’isul wasaaraha loo yeero halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.