Deg Deg Maxweyne Trump Oo Xilkii Ka Xayuubiyey Xoghayihii Arimaha Dibadda Mareykanka

0

Donald Trum ayaa saacad ka hor xilkii Xoghaya arimaha dibadda ee mareykanka ka qaaday Rex Tillerson,waxana uu xilkaasi u magacaabay Mike Pompeo oo ahaa agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA

Madaxweyne trump ayaa oraahdan Kooban soo dhigay Bogiisa Twitterka “Wuu ku mahadsanyahay Rex Tillerson shaqadii uu qabtay. Agaasiamaha cusub ee hay’adda CIA ayaa waxa noqoneysay haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota CIA, Gina Haspel, hambalyo dhamaantiin.

Xilka Ka Qaadista xoghaya arimaha dibada ayaa ku soo aadeysa isagoo safar ku jooga dalka afrika,waxana xilka qaadistan lagu sababeeyey kala aragti duwanaasho u dhaxeysa isaga iyo Mdaxweyne Trump.