Akhriso.Maxkamada Racfaanka oo Meesha Ka Saartay Cadeymahii Lagu Laalay Guushii Barasaabka ismaamulka Wajer

0

Maxkamada Racfaanka ee Magaalada Nairobi ayaaa Waxaa ay Meesha Ka Saartay Mid Ka Mid ah eedahii Daaqada Loogu Tuuray Guushii uu Gaaray Doorashadii Dalka Ka Dhacday Bishii Sideedaad ee Sanadii La Soo Dhaafay Barasaabka Ismaamulka Wajer Mr Maxamed Abdi.

 

Qareenka Barasaabka Wajer Mr Fred Ngatia, ayaa Waxaa uu u Sheegay Garsoorayaasha Maxkamada Racfaanka in ee Kala Philip Waki, Milton Makhandia iyo Patrick Kiage in Garsooraha Xukunkaan Riday ee Lagu Magacaabo Mr Alfred Mabeya in uusan u Marin Hanaanka uu Qabo Sharciga Garsoorka Isaga oo aan Heynin Wax Cadeyn ah.

 

Mr Mabeya ayaa 12 kii bishii Janaayo Waxaa uu Sheegay in Barasaabka ismaamulka Wajer uu kursigiisa ugu Guuleystay Si aan Cadaalad aheyn oo Hareer Marsan Sharciga Doorashada.

 

Waxyaabaha Kale ee Lagu eedeyay ayaa Waxaa Ka Mid ahaa Barasaabka ismaamulka Wajer in Shahaadadiisa Degree_ga ay aheyd Mid aan Sax aheyn Balse Arintaasi aan Maxkamada Laga Hor Cadeyn.

 

Qareen Fred Ngatia ayaa Waxaa uu Sheegay in uu La Yaabay Arintaan Maadama Barasaabka ismaamulka Wajer uu Horay u soo Noqday Safiirka Sacuudiga u Fadhiyay Dalka Sanadii 2014_kii Xiligaas oo Turxaan Bixin ay Ku Sameyeen Gudiga Arimaha Dibada u Qaabilsan Golaha Barlamaanka Dalka.

 

Mr Ngatia ayaa Waxaa uu Maxkamada Racfaanka Ka Hor Sheegay in Barasaabka Wajer Mudane Maxamed Abdi uu Shahaadada bachelor’s degree Qeybta Ganacsiga iyo Maanulkaba uu Ka Sameyay Jaamacada Kambala.

 

Barasaabka Wajer ayaa Sidoo Kale Waxaa uu Bartay Culuumta Xiriirka Caalamiga ah ee Dibada.

 

Kaliya kuma Koobna intaas Balse Waxaa uu Sidoo Kale Barasaabka Wajeer Bartay Cilmiga Macalinimada uu Ka Heesto Shahaadada certificate_ka oo uu Ka Qaatay Jaamacada Lagu Tababaro Macalimiinta ee Kamwenja ee ismaamulka Nyeri.

 

Karori Kamau oo isna ah Qareen Ka socday Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha Dalka ee IEBC ayaa Dhankiisa Waxaa uu Sheegay in ay Hubiyeen Shahaadada Waxbarasho ee Barasaabka ismaamulka Wajer.

 

By mohamed somali