DHAGEYSO:-Dagaal Culus oo dhex maray Ciidamada Jubbaland iyo Al shabaab

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada hoose, ciidamada Jubbaland ayaa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaanka Wirkooy ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Wirkooy ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ciidanka weerarkan qaaday ayaa ka ambabaxay deegaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose oo qiyaastii 30-KM u jirta deegaanka Wirkoy.

Dagaal culus oo halkaasi ka dhacay ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida ay ku soo waramayaan Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ku sugan deegaanka Buulo gaduud.

Inta la xaqiijiyay Shan ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa halkaasi ku geeriyooday, sidoo kale waxaa jira khasaare dhaawacyo ah oo dhinacyada soo kala gaaray.

Weerarka oo ahaa mid kadis ah ciidamada Jubbaland waxa ay la eegteen Saldhiga ciidamada Shabaab ee deegaanka Wirkoy, inkastoo Shabaab ay iska caabiyeen dagaalka kaga yimid dhanka Al Shabaab.

Ciidamada Jubbaland ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Wirkoy ee Gobolka Jubbada hoose, iyadoo Al Shabaab lagu soo waramaayo inay isaga baxeen gudaha deegaankaan.

Hoos ka dhageyso sargaal ka tirsan ciidamada jubbaland oo bixiyay waraysi uu arintaas uga hadlayo