13 Qof oo shuban ugu geeriyootay Buulo Burte

0

Ugu yaraan 13 qof ayaa geeriyootay iyada oo 80 kale la dhigay Isbitaalka Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan,kaddib markii uu haleelay cudurka Shubanka.

Dadkan ayaa laga kala keenay hareeraha iyo gudaha Magaalada Buulo Burte,waxaana ay sababsadeen Biyo aan nadiif ahayn oo ay cabayaan.

Wabiga Shabeelle ee mara Gobollada labada shabeelle iyo Hiiraan ayaa dhawaan biyo keenay iyada oo waqooyiga Gobolka Hiraan dadka deggan ay hadda heystaan biyo nadiif ah halka dadka deggan Koofurt Gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe aysan wabiga biyahiisa wali gaarin.

Dadka ayaa meelo ka fog degaannadooda u doonta biyaha waxaana ay cabaan biyo aan nadiif ahayn,iyada oo ay taasi saameyn ku yeelatay noloshooda.