Gaarigii Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Oo Muqdisho Lagu Rasaaseeyey

0

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee fariisinka ku leh isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku furay Gaari uu lahaa Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaariga Hanti dhowrka uu isku dayeyay inuu xoog ku maro koontaroolka ciidamada Madaxtooyada ka ilaaliya dhinaca Sayidka, taasoo keentay in rasaas lagu furo, wuxuuna gaariga nuuciisu ahaa nooca aanay xabbadu karin ee LandCruiser Bulet Proof-ka.

Wararka ayaa sheegaya in hanti-dhowraha Mudane Maxamed Maxamuud Cali aanu la socon gaariga marka uu shilku dhacayey, waxaana dhacday in Gaariga Qasaare kasoo gaarto rasaasta lagu furay, basle ay dhacday in Darawalka uu diiday inuu kasoo baxo ama furo gaariga ilaa uu u yeertay hanti dhowrka iyo ciidamo kale oo kuwa dowladda ka tirsan.

Darawalka iyo Gaariga ayaa in muddo ah yaallay agagaarka goobta lagu rasaaseeyay iyadoo ay ciidamada siiyeen amar ah inuu soo dego balse uu diiday Darawalka oo wararku sheegayaan inuu diidanaa in dhibaato loo geysto.

Xigasho VOA