Faallo :-Seeftii Puntland u Socotay oo ku dhacday Somaliland

1

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa 6_ April 2017 magaalada Dubai ku kala galay shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta Heshis kaasoo ay kula saxiixday in muddo 30 sanno ah lagu ballaarinayo laguna casriyeeyo Dekeda magaalada Bosaso ee Gobolka Bari.

Heshiiskan waxaa dhinca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage halka dhinaca P&O DP-WORLD uu u saxiixay Maamulaha shirkada DPWORLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Lacagta lagu maalgalinayo Mashruucan ayaa qiimo ahaa dhammaa $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ay bixin doonto 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan Doolar.

“Qodobada gundhiga u ahaa heshiiskaas ayaa waxaa kamid ahaa in deked balaceeda laga dhiggo 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, lana dayactiri doono dekeda hada jirta ee Boosaaso, lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhammaa $ 336 million Dollar.

Heshiikaasi ayaa sidoo kale waxaa Cod Aqlabiyad leh ku meel mariyey baarlamaanka Puntland fadhigaasi oo xiligaas ay joogeen 60 xildhibaan, waxaana heshiiskaasi u codeeyey 59 xildhibaan, hal xildhibaana waa uu ka horyimid.

Heshiiskaas kadib ayaa magaalada Boosaaso waxaa ka bilowday Khilaaf soo kala dhexgalay Dawlada Puntland,Shirkadda DP World iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dekedaasi wax kala soo degi jirtay iyadoo markii danbe ay Isimada Puntland dajiyeen Xiisadii Aad u adkayd ee dhalatay Heshiiska Shirkadda.

Bishii May Sanadkii 2016 ayaa Heshiis hordhac u ahaa Heshiis dhamaytiran waxaa wadda galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliland iyo Shirkada Dp World kaasoo Bishii Koowaad ee Sanadkan Cusub 2018 isku bedelay 3 Geesood oo ay wadda Gareen Soomaaliland,DP World iyo dawlada Itoobiya kaasoo u dhignaa Heshiiskii danbe Sidan:-

Heshiis saddex geesood ah oo dhex maray maamulka Somaliland, shirkadda DP World iyo Itoobiya, ayaa maanta lagu saxiixay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Heshiiska 51% Saamiga Horumarinta Dekedda yeelanaya shirkadda DPW, 30% waxaa yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso dowladda IToobiya.

Heshiisyadaas Maamul goboleedyadu ay la galeen Shirkadaasi dhamaan dawlada Federalka Soomaaliya waxba kama ogayn marka laga reebo Heshiiska Puntland iyo Shirkadda oo Madaxweynaha Soomaaliya ka daba tagay kadibna Dood dheer uu dan isaga soo noqday kadib markii Gaas iyo isagu isku fahmi waayeen Heshiiskaas shirkada Ajanibiga ah.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Puntland ayaa khilaafkii ka dhashay Heshiiskaas kadib ayaa madaxweynaha Puntland wuxuu Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ugu Caga jugleeyey inaysan horay u Jirin Heshiis Cadaynaya Saami qaybsiga iyo Heshiisyada waajibaadka shaqo kuwaas oo u dhexeeya Maamul goboleedyada Dalka iyo Dawlada Dhexe ee Soomaaliya iyadoo Soo Noqodkiisii uu madaxweynaha Soomaaliya u Qalab qaatay sidii loo joojin lahaa Heshiisyadaas.

Kulankii maanta ee Baarlamanka Soomaaliya ay uga mamnuuceen Shirkadda DP World Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa saamayn ku yeelanaya Heshiikii horey Puntland ay ula gashay Shirkadaasi waxaana sidoo kale dhamaan maamul goboleeyada Heshiiskaasi la galay Shirkadda ku maqan lacag Hormaris ah oo ay ku wareejisay Shirkadda DP World kadibna qalab ay keensatay Dekedaha maamul goboleedyada Dalka.

Comments are closed.