DP World oo laga mamnuucayo dalka iyo dood hada ka socota xarunta Baarlamaanka

0

Waxaa Xiligan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ka socdo dood kulan oo ku saabsan heshiiska muranka badan dhaliyey ee lagu qeybsaday Dakadda Berbera kadib markii ay heshiis seddex geesood ah wada gaareen Somaliland, Imaaraadka iyo Dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa kulanka goor dhow furay, wuxuuna Xildhibaanada ku amray inay liiska magacyadooda qoraan si loo bilaabo dooda ku saabsan heshiiska Dekadda Berbera iyo Xadgudbka Imaaraadka ay ku sameysay jiritaanka iyo midnimada Soomaaliya.

Doodda ku saabsan heshiiskaan ayaa ah mid aad u kulul, wuxuuna noqonayaa kulanka Maanta ee Baarlamaanka midkii ugu kululaa ee dhawaanahaan ay yeeshaan barlamanka soomaaliya

Guddoonka Baarlamaanka ayaa gacanta laga geliyeyx Xeer ka kooban qodobo badan, waxaana laga sugayaa Xildhibaanada Baarlamaanka inay cod u qaadaan, iyadoo ay u badan tahay in la ansixiyo maadaama kiiska Dekadda Berbera uu yahay mid xasaasi ah.

Qodobada xeerkaan ayaa waxaa kamid ah in Shirkadda DP World laga mamnuucayo dalka iyo in heshiis kasta oo ay gashay uu waxba kama jiraan yahay, isla markaana sharciyad ku dhisneyn.

Shirkadda DP World ayaa lagu sooeedeeyey inay ku xadgudubtay madax banaanida Midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaas darteed dalka laga mamnuucay guud dalka Soomaaliya, waxaana Saacadaha soo socdo la filayo inuu go’aankaas ku dhawaaqo Guddoomiyaha Baarlamaanka sida aanx xogta ku heleyno.

Sidoo kale Waxaa Ra’iisul Wasaaraha lagu wargelinayaa in xeerkan uu gaarsiiyo Madaxa Xukuumadda dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta isla markaasna laga shaqeeyo sidii loo dhaqan gelin lahaa qodobada kasoo baxo Baarlamaanka.