DHAGEYSO:-Maamulka Gobolka Banaadir Oo Digniin U Diray Shacabka Muqdisho

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in maamulkiisa uusan uu dul qaadan doonin in si sharci darro ah lagu bixiyo dhul ama lagu kireeyo.

Guddoomiye Yariisow ayaa uga digay shacabka Muqdisho in ay deegaan ka dhigtaan goob aan sharci aheyn, sidoo kalena ay dhistaan.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Cumar C/risaaq Xuseen ayaa warbaahinta u akhriyay go’aamada ka soo baxay xafiiska Duqa Muqdisho.

Waxaana uu sheegay Xoghayuhu in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii ka hor timaada amarkaasi.