Akhriso: Xeerka loo maray In DP World Dalka laga Mamnuuco

0

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa isku raacay xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World, kaddib markii ay si bareer ah uga soo xadgudubtay madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

Kulan Xildhibaanada Golaha shacabka  ayaa waxaa soo xaadiray 170 Xildhibaan, waxaana kulanka looga dooday Xeer uu soo diyaariyay Baarlamaanka oo ku saabsanaa heshiiskii Dekeda Berbera iyo Shirkadda DP World.

Xeerka ayaa waxaa ansixiyay 168 xildhibaan, halka hal Xildhibaan uu diiday, mid kalena uu ka aamusay, sidaas uu Guddoonka uu ku dhawaaqay inuu ansax yahay xeerkan.

Xeerkan oo cinwankiisu yahay Xeerka dhowrida Gobonimada iyo Geyiga Soomaaliyeed ayaa dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World, sidoo kale waxaa lagu baabi’iyay dhamaan heshiisyadii ay gashay oo ay ku jirto tan Dekeda Boosaaso.