Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhigii 3-aad ee Golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay arinta maqaamka Magaaladda Muqdisho.
Eng. Yariisow ayaa daboolka ka qaaday in Gobolka Banaadir uu u baahan yahay inuu helo xuquuq la mid ah tan Gobolada kale ee Wadanka, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay sidii uu Gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan lahaa Aqalka Sare.
“Shacabka reer Muqdisho waxay jecel yihiin inay arkaan sidii Jidadka loogu furi lahaa, sidoo kale waxay codsanayaan sidii loo da-dajin lahaa Maqaamkii ay yeeelan laheyd Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Duqa Muqdisho.