Dhageyso”Madaxweynaha Soomaaliya Oo Qiray In Dhaqaalaha Dalka Uu liito

0

Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya ayaa si cad u sheegay in dhaqaalaha dalka uu aad u liito,isagoo ganacsatada soomaaliyeed ka dalbada in ay bixiyaan canshuuraha si taasi looga baaqsado

Mudane Farmaajo ayaa intaasi ku daray in dad soomaaliyeed ay yihiin dad adag oo ka gudbi kara xaalad walba oo lasoo gudboonaato.

hadalkan ayuu farmaajo ka sheegay furitaanka kalfadhiga 3-aad ee labada aqal ee barlamanka taasoo ka dhacday xarunta dugsiga sare ee booliska ee Jeneral Kaahiye.