Xildhibaano cusub oo lagu dhaariyay Muqdisho

0

Ka dib markii uu ka furmay Magaalada Muqdisho Kalfdhiga 3-aad ee Golaha shacabka Soomaaliya, ayaa waxaa la dhaariyay  Saddex ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka oo baarlamaanka kusoo biiray.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay Xildhibaannada saddexda ah ee maanta ku biiray Golaha shacabka.

Xildhibaannada maanta la dhaariyay ayaa ka soo kala jeeda Somaliland, Jubaland iyo Hirshabeelle, waxaana ay ka mid noqdeen Golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Fatxi Siciid Xasan oo ka soo galay Somaliland,waxaa uu beddelay Aabbihii Siciid Xasan Geeddi oo kursigaas ka geeriyooday,sidoo kale Maxamuud Cabdullahi Sh. Siraaji  oo ka soo galay Jubaland,waxa uu beddelay walaalkii Cabaas Cabdullahi Sh Siraaji oo kursigaas ka geeriyooday halka Nuur Iidow Beyle oo ka soo galay Hirshabeelle uu beddelay Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya (Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe).