AKHRISO:-Xildhibaan Mahad Salaad oo Markii ugu Horaysay si adag u difaacay Madaxweyne Farmaajo iyo Sababta

0

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada mucaaradsan hoggaanka dowladda Federaalka ayaa si adag u difaacay Madaxweyne Farmaajo, is barbar taagna u muujiyay, kaddib weerar saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada looga soo qaaday.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dowlad shisheeye ay ku xadgudbeen Madaxda dowladda ay ka dhigan tahay midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay

“Madaxdeena in dowlado shisheeye ku xadgudbaan waxay ka dhigantahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay, Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya”ayuu yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Madaxweyne Farmaajo inkstoo siyaasad ahaan aan dhaliilsanahay hadana waa Madaxweynihii dalka, maqaam iyo hab-maamuus gaar ah ayuuna leeyahay, wuxuuna astaan u yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad ee Dastuurka KMG ah, in si shaqsi ah dowlado shisheeye ugu xad gudbaana waxay ka dhigantahay sharafta, karaamada iyo madax-banaanida dalka oo meel looga dhacay. Mana aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa”

Saacadihii u dambeeyay baraha bulshada,  gaar ahaan Twitter-ka ayaa waxaa qabsaday weeraro iyo aflagaado ay Kooxo Carbeed oo taageeraya Imaaraadka Carabta ku qaadeen Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sameeyay Hashtag loogu gufayo Madaxda Qaranka, kadib markii dowladda Soomaaliya ay mowqif adag ka istaagtay heshiiskii Dekeda Berbera.